Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ahmad Colaad Digaale (Qorane)

Ciidagale LAYAAB

Somali Poetry



1- Cumaro dhawaanahan ma lalin, gabay lifaadoone
2- Lubbigayga waataan ka jaray, laba diraacoode
3- Caawana ladhbaa igu kordhee, laabta kuma hayne.

4- Lallabii la shiday maalintay, liifadu is jiidhay
5- Lowyada siday uga jabtiyo, adhaxda liilkeeda
6- Ma lulmooni layl dhexe intaan, laamaa doodsadaye.

7- Lahwigiyo wareekiyo tashiga, luraya uurkayga
8- Liisaanka faallada markaan, loodin kari waayay
9- Waxaa ahay ninkaa laamiyada, ligan habeenkiiye.

10- Inta reerku loxos goynayuu, haanta lulanaayo
11- Ee shicibku wuu lohon lohee, lahanka reemaayo
12- Lad qabaa ha gabin baan lahaa, yaanay liilliyine.

13- Hayeeshee ninkii laagganaa, layli bixi waaye
14- Lacagtiyo ladaadyada kursigu, malaha liibaane
15- Labadaba rag badanbaa ku lumay, lahashadoodiiye.

16- Lingax iyo ninkii leefi jiray, gororka leedaystay
18- Laaclaaca dagan wuu yaqaan, inuu u leexdaaye.

19- Waa saban labeebiyo haween, lab isu qaateene
20- Laf ma xagan libaaxiba hashuu, loogayee dilaye
21- Isagoo lugaha jiidayoo, adhaxdu liicayso
22- Layee dhidar ladnaaduu wuxuu, liqa ka tuugaaye.

23- Laayaanka aarkiyo shabeel, gaaja ladi waayay
24- Iyo dacaw ladaabtiyo dhurwaa, laqanyo daacaaya
25- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyaane.

26- Gorgor samada laafyoon jiroo, laan ka kici waayay
27- Iyo diigan laydha ubaxee, lalaya ee duulay
28- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyaane.

29- Sanga gorodda laalaadiyoo, umal la luudaaya
30- Iyo baqalkan leedaynayee, luqunta taagaaya
31- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyaane.

32- Maroodiga laxaadkaad ogayd, laan ku jabin waayay
33- Ee inuu bakayluhu lagdoo, liqo ka yaabaayo
34- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyane.

35- Geesigan xilliga lawlabee, laabay gacantiisa
36- Iyo fulaygan leebiga noqdee, guraya laaluushka
37- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyaane.

38- Liiggiyo haldhaaguu atoor, luqun jibaadhaayo
39- Oo gole ku laacdamahayuu, dilaya oo laayay
40- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyaane.

41- Loxdanow biciidkoo kabaqa, luga yaraw xiidka
42- Aan labadii gees iyo warmihi, wax u ulilaynaynin
43- Laxdan geriga leediga ka dheer, sare u laacaysa
44- Iyo laamelawshiyo dharjadan, labi ka weynaatay
45- Liitiga dameerkiyo fardahan, loolanka u jooga
46- Layaabbay adduunyada ku tihiyo, lama maleeyaane.

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com