Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse Dira-dire

Somali Poetry



Laba Jilib oo Sacad Muuse ah ayaa nin kala tirsaday. Ninkaas oo gacanta xabshida ku baxay waxa qoladii laga dilay ku eedaysay qolada kale inay iyagu Amxaarada ku direen. Ismaaciil Arrinkii waxa uu ka tirshey gabaygan oo markii uu tirshey la isku laayey. Markaas ayaa la dacweeyey Ismaaciil oo xabsiga loo taxaabay Isaga iyo Nuur Xaashi iyagoo lagu xidhay Xabsi Cylon (Siralanka) ku yaal.

Galawgaw Alaakiya col aan wax uga oognayne
Aniguna halkii eed leh waan ololinaayaaye
Indhaweydba waan aamusaye dhamacda maan oogo

Maan uumiyaha kala fadhiyey Eebadaw rabiyo
Reer Shiil Alaalaha ka badan Ubaxa Geedaaye
Hadana Awrta reer Geelle iyo oodankay tegiye

Iraada-Alla waa niman gacmaha Eebbahay xidhaye
Ulla tuuri maayaan oo horaa loo ishaaqsadaye
Awlaxa Jibriil iyo ka yari ood ma jebiyaane

Afka duubye Heebaan Jikraha hayska iibsado'e
Waa loo Abaabaynayaa Aabbahood maqanne
Waana loo Afjaaqaye Kufrigu maba ogaadeene

Afka Qaydar buu joogey iyo Adhaxda Guuyoowe
Haddaan niman Asiib iyo ku noqon Malag abraaraaya
Maxaa Ugun Dhurwaagu ugu cunay amar miyaa geeyey




 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com