Q O R A A L

 Cidi ma ku shegtay

  Ammaan Geel

Laguma weydiin

  Jug ma ridey

Waranka soofe

DiraDire

Af kala qaad

Kala qolo

Carruurtii Rasuulka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ismaciil Xayd Xirsi "Aflow"

HA - Sacad Muuse kala qolo

Somali Poetry



 

Ina Cali Beenaley oo ku faanaya qabiilooyin Ugaadeen ah oo Gaashaanbuur noqday ayaa tirshey gabay uu ku faanayo nimankaa is biirsaday isagoo leh;

Saleebaan Suldaannada Xandula Saajacyada dhaartay
Iyo nimanka Suubaan ah iyo Seedda Cagaweyne
Sirmaqaatayow Hidi dhalay iyo Sadarka Qoobdheere

Saaciid Awoowgeey ah iyo Weliba soo raacyo
Safka Ba-Habar-Celi Diiniyada saajacyada dhaartay
Intaasoo sokeeyowdey oo Saanaddu u buuxdo

Wallee Saabur buu noqon ninkay Subax haleelaane
Wallahaan Sagaal kaga magdhebi Saaq ninkii qabaye
Saddex maran ninkii naga hayey bay sababti joogtaaye
Dadoow Samir Bahoo suuftinaa Saaftay dunidiiye


Ismaaciil Xayd "Afloow" aad ayuu ula yaabay dadkaas biira-biiraha ah ee weliba faanaya isagoo tirshey gabaygan aan dhammayn;

Ma dhammaato oo hawl Adduun oo meelunbaa dhimane
Dhalanteedka waa lagu salliday dheeligay tahaye
Dabayshaa dhankaa iyo dhankaa la isu dhaafshaaye
Caanuhu Dhanaan waa noqdaan berina waa dhay'e
Dhulku waayo waa roob beryana waa abaar dhagahe
Kolba waxaygu soo dhaca war aan iga dhammaanayne
Dhigbare? kolkii lagala yimid tan iyo Dhaymoole
Ee lays dhuraayaa Dorraad dhama'sanaydeene
Dhammuuqsade Xarboow wiilashii dhiirranaan jiraye


Gabay kaloo isla munaasabadaas ahaa wuxu abwaanku ku yidhi.

Qayli iyo Maraykaan haddii la isku qodobbeeyo
Iyaba waa qilaaf laba Maroo qaarba cayn yahaye
Qaraamaad Qacleey iyo Hadhuudh Qabadigii Heedda

Quddayow la soo ururiyiyo Dhuuni Toban Qoys ah
Ogoobey ninkii quud ka deyey waw qashiinnimo'e
Qaska Waranka nimankii Futada laga Qoddeynaayey

Sidii Qaalin Layli ah kuwii qun u hagaagaayey
Waa Quduro oo waa iyagaa qaatay Maarraha'e
Indhawbey qacdii iyo qucdii ka qatanaayeene

Indhawbey Haweenkay qabeen Qani is moodeene
Guuleedkan kala qaystay bay ku qoslanaayaane
Markii labada qoorood heshiis qadada loo doortay?

markaasaa sidii Qabay dhanaan la qabsan doonaaye
Alloow yaa intaan qabar ku dhicin kala qollaysiiya
Oo Qoysba Qoyski uu ahaa Qaalinka u raacsha


Sidiibay u dhacdoo Is-bahaysigii waa burburay. Ina Cali Beenaleygii IsBahaysiga ku faanayeyna waxa uu tirshey gabaygan;

Baho inay Tamiimaan la waa ama tis-qaadaane
Toddobaatan uu oday dhalaa igala taag roone
Tollaala'aye waa waxa i hodey taaha reer hebele
Tunkana waxa na soo wada qabsaday taaggi reer Dalale

Ismaaciil baa ku noqday gabaygii oo yidhi ;

Godob nimaad lahaydeen haddii Geeri lagu sheego
Ogoobeey Gibladu waa Asuul inaad garaacdaaye
Gunnad iyo hadaba Beenaleey Geel ha dhiciyeene
Intay debedda Gaadh ula baxaan gabay ha sheegeene

 



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com