More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

"Anshaxa erayga"

  modified : 02.28.2008

Nin makhnuud ahaan jirey hadduu gole ka maahmaaho
Wuxuu kuu maldahayaaba waa meheraddiisiiye

Xaaji Cali Geelle;


Waxa jirey muddo fog oo 80 sano ku dhawaad laga joogo inuu gabay bilaabay nin Abasguul ah oo la odhan jirey Camanje Yogol. Camanje waxa sida la sheegay ama gabaygiisaba ka muuqata lagu tuhmay neef geel ah (hal) oo ool Isaaq ah oo ay isku ood dhawaayeen ka luntay. Hashii ayaa Camanje la weydiiyey asna waa ka  cadhooday hasha loo qabsaday. Camanje wuxuu marshey gabaygan soo socda  :

Nimanyoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye
Waa taan hudheelaha galaa, hogogga Iidoor'e
Waa taan hariisade gubaa, dhuxuli hoos taale
Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye
Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane.



Sheekadii Hasha joogtay markii ay qabiil sare gaadhay ayuu Xaaji Cali Geelle oo ahaa nin Arab(Isaaq) oo ka xun sida Camanje u gabyey ayaa  jawaabay oo aanadii Camanje u abbaaray Daarood isagoo leh:

Abasguul Isaaq inan la simo, igama eegtaane
Aanada rag kale haw dhintee, eray yarbaan baanay!

Waataan Ugaadeen noqdaa, ahabta diidaaye
Waataan in Gooniyo habaas, kala afuufaaye
Waataan Awaaraha Badhyaha, dibugu aastaaye.

Waataan sidii Eey anbaday, Ila ka yeedhaaye
Waataan aduunkoon la dhicin, ka arradnaadaaye
Waataan Agoon xoolaheed ku intifaacaaye.

Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure
Waa taan aroortii kacaa, Arah u guuraaye
Anigoon adduunyaba lahayn, adhi iyo geel toona
Waa taan bir wada aad ah iyo gudin afaystaaye.

Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye
Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede
Waa taan Absame Kuumade, iyo ehelki sheegtaaye

Abtirsiinyo waataan Hartiga, uga ekaadaaye
Araddayda waatay dhashaa, inan Mareexaane
Waa taan Majeerteenka Eyl inan ka doonaaye.


Maxmed Cali Beenaley oo Ogaadeen ahaa ayaa Xaajiga ka dabaqaatay isagoo marshay gabay anshax-xumo ah oo aan ku wanaagsanayn Xaajiga iyo Ashraaftaba isla markaana daba marsan xuduuddii kaftanka waayeelka iyo Suugaanleydaba. Ina Cali Beenaley ka sokoow waxa isna gabay kaa aan waxba ka dhicin marshey  Maax Dhegool oo isla Ogaadeen ah. Labadan gabyaa waxa dadku ku yiqiineen hadallo aanay u miidan deyin oo waayeel iska daayee ay caruurtu afkooda kala xishooto. Tusaale, Ina Beenaley Isagoo mar markaas ka horeysey la hadlayey haweenay uu qabay oo masar uu u soo iibiyey tayadiisa saluugtay waxa uu ku yidhi naagtaas.

Naagyahay garaad li'idu waa geedka kugu yaalle
Gus haddii aad leedahay caqligu kuguma gaabteene


Anshaxumo ka ahaydaa iyo saboolnimo hadal ahaydaaba waxa uunku fajacay waxa ninkaas gabadha hoosteeda u geeyey iyo waxa uu ula jeclaaday inay geedka ragga oo kale yeelato.

Maax Dhegoole asna anshaxa hadal halka uu ka gaadhay intuu Hargeysa tegey ayuu  yidhi "Iidooroow salka iga tooba".  Ujeedadiisu waxa ahy ahayd dadkii waa garan waayey markaasaa dadkii intuu yaabay ayaa qof waliba iska hareer maray. Isagoo ka xanaaqsan waxa dabada Iidoor uga toobi waayey waakii gabay ku lahaa;

Iidoor hunguri toobiyii taag walba u fuulye
Ma futayda toobinkeed ayuu taag isugu sheegtay
Aniguba intaan nayl turqado ways tafaafuliye
Wallee toobin dheeroow afkaa iguma soo taagtid.


Sheekadii Xaaji Cali Geelle aan u soo noqonnee, labadaa ninbaa la sheegaa inay Xaajiga damceen inay u jawaabaan. Raggaas aan soo sheegnay kaftankii waa la taraaray oo xuduudo mamnuuc ah ayuu la galay.  Ina Cali Beenaley oo Xaajiga Cali Geelle waxa gabaygiisii uu ku yidhi;

Waa taan makhnuud iyo noqdaa, makhawad Iidoore
Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye
Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye

Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye
Waa taan mindiyo
uus leh iyo, malafsadaa dhiig e
Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badihiiye
Waa taan min weyn iyo go' iyo, mohorod qaataaye

Margiyada iyo waa taan garbaha,
malax ku yeeshaaye
Waa taad i moodaa dhurwaa, maraya dow dheere
Miskaha iyo waa tay
futada, wax i malaahaane

Waa taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane
Waa taan nin aan maaganayn, maro u saaraaye
Waa taan maryamo luuli iyo, magacyo sheegaaye

Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye
Waa taan mar naageed xidhaa, maaliyaha suun e
Waa tii saliid la i marshaa, maalin iyo leyl e
Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye.


Xaaji Cali Geelle oo abwaannimadiisa ay diini u dheerayd waa ka yaqyaqsaday inuu sheeko la wadaago nin dabo, hoos dumar, alaab rag, malax, dhiig, iyo hadallo qashin ah ku hadlaya. Xaajigu erayo badan ma odhan ninkaas, waxse uu ku hadlay eray maahmaah noqday raggii afxumada ku hadli jireyna summad ku duugay oo suuqii ka saaray.

Nin Makhnuud ahaan jirey hadduu gole ka maahmaaho
Wuxuu kuu maldahayaaba waa meheraddiisiiye.


 


Fadlan gabayga Xaajiga soo dhammee adoo mahadsan!



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com