Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aw Cabdi Muse Max'd
(1911 - 1999)
HJ > Biciid> Boho  

Somali Poetry

Deyso Maradaada


Markii uu dagaalkii adduunku socdey 1941 ayaa Talyaanigu soo galay Soomaaliland oo uu ka baxay Ingiriisku .Waxaa dhacay badxidhan waxaana istaagey ganacsigii debedda. Baahi weyn ayaa ku timid dadka soomaaliland gaar ahaan dhinaca dharka.

Hadaba Aw Cabdi muuse (AHN) ayaa guursadey gabadh ka dibna Waxuu u sodcaallay Bari iyo walaalkiis Maxamed Muuse (AHN) oo degenaa Shalcaw. Wuxuu Aw Cabdi soo helay laba maro. Intii uu socdaalka ku jirey waxuu la kulmay cabsi badan, dhaxan iyo daal . Habeenkii ayuu socon jirey maalintiina intuu dharka meel ku soo sheelo ayuu cuno raadsan jirey.


Markii uu dharkii u keenay gabadhii uu guursadey ayey diiday inay qaadato haddii aanu aradbeel kale u wadin reerka. Gabaygan soo socda oo aan dhamaystirnayn ayuu u mariyey gabadhii isagoo uga waramaya dhibta uu dharka ku soo helay.


[[ Gabaygan waxaa n ka qoray Axmed Faarax Nowle ]]

Waataan Dabaariyo ke tegey, darayda waaweyne
Waataan daraadaa habeen, duuligaw xulaye
Dayrtiina bari looma kaco, duraha jiilaale
Dibno jeexan, diif iyo xanuun, daalna ways bidaye
Dibindaabyo badan baan arkee, dayso maradaada.

Mar haddaan dubkaagii asturay, dawlad baan ahaye
Ingiriis dubaaqada ku taal, daaday madaxiiye
Jarman waxuu dihnaadoba nabsigu, daamankii jebiye
Xabashiyo Talyaani is derdere, laba diraacoode

Dabkii reerr Jabaan iyo bakhtiye, dacalki Shiinaaye
Dumarkii la raaxeyn jirey, baan debecsi loo hayne
Dirham loo helo iyo waxbay, dib u luquuntaane
Hadalkaa miduu la ga dabraa e deyso maradaada.

 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com