Q O R A A L

 

Aw Cabdi Muse Max'd
(1911 - 1999)
Habar Jeclo -Faarax Biciide

Somali Poetry


Gabaygan waxa uu Aw Cabdi Muuse (IHN) uga jawaabayey nin la odhan jirey Cawke Jabane oo Dhulbahante ah J/Siyaad . Markii dagalka sokeeyey dhex maray Habar Jeclo iyo Dhulbahante sannadihii 1954/55 ayaa Cawke Jabane isagoo guubaabinaya dagaalyahanka beeshiisa uu tiriyey gabayga soo socda oo aan dhamaystirnaym ;

Dhulku dheeg hadduu leeyihiyo, dhuubatiyo maydhaq
Waa dhuuxa caymeed haddaa, dhicin lahaydeene
Waxay dhuukisoba Habar Jeclaa, dhigatay xaaskiiye
Waa kaa dhantacay Bownihii, dhagaxa saarnaaye
Dhugukule raggii joogi jirey, hoos u soo dhece'e
Qarbedada kuwii dhaansan jirey, dhoomo iibsade'e
Waxse dharwaqa Nugaal godan ninkii laga dhaqaajaaye
.


Aw cabdi maba diidin Bownaha ee waxuu ku tilmaamay kibraani dalkiiba qabsaday . Waxuu Cawke ugu jawaab celiyey tixahan soo socdaa oo aan dhamays tirnayn dad kala duwana waa ka qoray iyagoo isku khilaafay sida ay isu xigxigaan .

Aw Cabdi Waxuu Yidhi:

Bownaha dhantacey waxuu hilbaha, dheegga uga doortay
Dhugukule waxuu uga degey, ee Dhooddi ugu faafay
Dhoomaa wax loo iibsadee, dhabaski loo xooray
Car-idhaaf Ballida dhiiga leh, iyo dhinaca Buuhoodle
Dhulkii waxaa qabsaday saanaddii Dhiinjarka ahayde

Dhalashuu ku laafyoonayaa, dhug iyo miisaane
Mar horeydun kala dhuumateen, dhuuxi Caynabo'e
Dhidaye iyo Taleex uma ogoli, dhaan ad marisaane
Dhudhub kama dusaan odayadii, dhaaburayn jiraye
Dhabbadaa horaan uga tashaday dhibiqtinkiinaase.

Dhiillada Shirshoorow horaa, dhidib u aasteene
Dhaaxaan lahaa nabaddu waa, dhay aan qubanayne
Mar haddaa dhadhamiseen waxaan, idinka dhowraayey
Dharwaqdaydun sheegteen hadday, dhaban ku naafaysey
Maxay dhaartu qaban faanku waa kii Dhulbahantaaye
!

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com