Q O R A A L

 

 

Aw Cabdi Muse Max'd
(1911 - 1999)
Habar Jeclo -Faarax Biciide

Somali Poetry


Gabaygan soo socda wuxuu Alla ha u naxariistee Aw Cabdi ugu jawaabay Ibraahim Xirsi Dirie (Gacamey) oo gabay ka tiriyey colaaddii 1954/55 dhexmartay Muuse Abokor iyo Dhulbahante. Gabayga Ibraahim si aad u akhrisato halkan riix

Iyadoo geyiga layna yadhi, gaanka laba Yoonis
Inagoo gob wada taala aan, goorna kala guurin
Waatii gunuus yare dhaceed, nagaba guurteene

Gartallowga waydinkii ku tegey, Gooddiyada hawde
Waataad Dhulbahantii wax gaday, garabka saarteene
Ina Kooshin Gurey waydinkii, gaday raqdiisiiye
Goortii la gowracay Barraa, Gobollo diirteene.

Inay garasho yaab tahay waxaan, idinka gaadhsiiyey
Waatii guddoonkii ku dhacay, galab carrowtiine
Gobka Maxan, gawaannada Masliyo, Dhiiri iyo Goobo
Gadhka Kooretuunshiyo markuu, gudubka Oog dhaafay

Geeddigu ammaan buu ahaa, reerba meel galo e
Geeli harraadnaa miyaan gaadhka lagu meerin?
Gendelkiyo miyaan loo xidhxidhin, giringir loo xoodey?
Goortuu biyaa gaday miyaan, gaaxdii laga maalin?

Goble–Dumey maantii ayaa, idinka soo gaadhay?
Garaad Faarax maantaa, ayaa gooman jebinaayey?
Garawada abeerkiyo ayaa, goolka loo qallayey?

Miyaydaan waraaqaa guntane, gudaya noo keenin?
Miyaanaan sidii roob gu'iyo, galay u soo muuqan?
Miyaan guurtidaan ahay arlada, gees walba istaagin?
Geedkaad maraysoba miyaan, Gaas ku daba joogin?

Guushaa Isaaq naga dilaa, goobta dabadeede
Garka Muuse kaa xigo haddaan, goorna lagu ciilin
Godankaa Wareeg iyo maxaa, Guban ku taabsiiyey
Waataynu Gaad iyo lahayn, laba Gureedhoode
Bal ayaa geyiga aad degtaan idin gudoonsiiyey?

 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com