Q O R A A L

  D a n n o o d

  Haddaan fulinnay

  Gabayo googoos ah

  Xasanoow walaal

  murankii ka dhacay

 

 

 

 

Cabdillahi Muuse Jiciir

HY - Reer Xuseen Gabayo aan dhammayn

Somali Poetry

Cabdilaahi Muuse, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu gabaygan ugu bogaadinaya dhacdo ka dhacday laba reer oo 1954 isku laayey magaalada Burco. Wuxuu gabayga ku sifaynayaa laba jilib oo mid magantoodii badbaadisay halka qolo kale oo dhiggooda ahna uu ku dhaliilayo in magantoodii la laayey;

Murankii ka dhacay reerahee, la isku maan dhaafay
Magantay bariiyeen kuwii, loogu mari waayey
Allaylehe midhaha Yuusuf baan, laga mannaagayne
Cabdi Biixi maamuus ragbuu, meel ka buuxsadaye
Hayeeshee waxaan magac sugayn, magane daanyeere
Midgaan timaha xiiraana wuu mehered dhaamaaye.


Gabaygan aan intan yar ka helnayna fadlan soo dhammee ama intaad hayso ku soo biiri.

Inkastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kaa gooyo
Isagoo dharaar maqan kol uu dumar wax kuu dhiibo
Dhan aad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye
Waa dhaawac kugu yaal xigtada dhaqasho diiddaaye.

 

Mar kalena waakii C/Laahi Muuse lahaa;

Cag fudayd waxaan Faras ahayn caashaq gelin waaye
______________
Waxa ku deeqay: Cabdirisaq ibrahim cabdilahi

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com