Q O R A A L

 

Bal ogoow

Laguma gooheene

Cige ma loo sheegay

Halkiinaa fadhiya

Daarood ku-xaar

Maya-daannu nidhi

Jawaabtii Yawle

 

 

 

 Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole)

  HY  - Muuse Cabdalle

Somali Poetry


Daarood-ku-Xaar
Gabaygani aan dhammaystirnayni wuxuu ka mid yahay silsiladdii `Daarood-ku-xaar`ee Habar Yoonis iyo Daarood (Ogaden & Biciidyahan-Majeerteen) ku dhexmartay deegaanka dannood u dhaw. Gabaygan waxa kaloo ka qayb qaatay gabyaa badan oo Habar Yoonis ah oo aannu ka xusi karno Cilmi Liig oo silsiladda bilaabay, Yawle, Ina Kaahin Feedhoole, Cige Aw Cali; Fadlan soo dhammee:


Codka gabayga nimanbaa tirshoon, caarif ku ahayne
Haddii anan culuuntiisa baran, cid uma sheegeene
Caqaar jaada iyo shaah darbay, kaga cabaadshaane
Halka Calanku yaal baan sidii, Caarshe ka hadlaaye.

Cosob geelu kama maarmo, iyo Caado kii baxaye
Cida galawgaa fiintuu fuuluu, carari gaadhaaye
Isagoo caroofi isu baxay, oo ciidanku horjoogo
Ina cayaayir lagu weeraraa waa ka caariyo e!

Camma iyo intii loo qabsaday, codadka Yaasiinka
CabdilQaadir iyo Shiikhyadaa, loo cawaansadaye
Cankuurka ula tage waa dagaal, ciidha loo qabaye
Cabdaadkii garnaylkiyo markuu, ciyayey dhawr-qaadku
Cishadaa raggii lagala hadhay, boqol cadbaa dheere
Cokanaa waraabii kobaha? caajis ku ahaaye
Kuna collownay Daarood sidii, duulka reer Caliye
Camaar iyo markii Maalinguur, caydha laga yeelay
Waxa ay........ u xidheen ciirsi kale waaye
Cudud baan ku qaadnee Wardheer cidi namay siine!

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com