Q O R A A L

 

Bal ogoow

Laguma gooheene

Cige ma loo sheegay

Halkiinaa fadhiya

Daarood ku-xaar

Maya-daannu nidhi

Jawaabtii Yawle

 

 

 

 Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole)

  HY  - Muuse Cabdalle

Somali Poetry


Cismaan Indhoole & Cabdi Gahayr
Laba nin oo reer Sugulle ah baa Ogaadeen dilay markaasuu Cabdi Gahayr gabyey oo yidhi;

Waayadanba habaryonisbaa, wahabku saarnaaye
Sida caana weelkii ku jira, lama wadaageene
wadaaddada halkii lagu diliyo, Eegi waraqeeda
wareegada hadday ugu qalaan, waadhidii Xananley
oon sida dabaylaha wacdiga, weerarku is dhaafin
ay Waaxley mariyaan colkii, webiga jiidhaayey


Habar Yoonis baa col qalqaashay waxayna oodaha u rogeen Ogaadeen ragna waa laayeen. Cismaan Indhoole markaasaa gabaygii u furmay oo uu jawaabtan bixiyey. Fadlan soo dhammee

Maansada beryahanaan Cabdoow maallin ka ahaaye
Macnaa loola jeediyo markuu xarafku ii muuqday
Xalay baan mirtii dhexe hurdada soo miliilicaye
Intii magaca Habar Yoonis baxay miir ma qaayibine
Miskiinnada xorowdiyo gobtaan magac wadaagteene
Mataanaha Wardheerbaan cid kale miilo ka cabteene

Markuuse Caarshe maalkii dirraa madaxa goynaayey
Dadka kale sidii maataday magane yeeleene
"Maya"daanu nidhi, geeridii mawdku ka adeegay
Malkadii caddaankii la dhigay, madaxyadii duulay
Makallii ku jabay sow Togdheer maandhe garanmaysid
Sidii mawdka aadmiga dilaan midha dul joognaaye
Wax masiibo haysaa ninkaan maal? ku leenahaye.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com