Q O R A A L

 

Bal ogoow

Laguma gooheene

Cige ma loo sheegay

Halkiinaa fadhiya

Daarood ku-xaar

Maya-daanu nidhi

Jawaabtii Yawle

 

 

 

 Cismaan Aadan (Cismaan Indhoole)

  HY  - Muuse Cabdalle

Somali Poetry


Cismaan Indhoole & Maxamed Yawle

Gabaygii "kalagooye" la baxay ee Yawle tiriyey ayuu gabaygan intan yari naga soo gaadhay jawaab u yahay. Yawle gabaygiisii halkan guji;

Raggu gabayga waa wada yaqaan, geed ka toocsiga'e
Gudcur iyo habeenbaa caddada, lagaga guuraaye
Gurka iyo xashiishkii adoon, gaadhi ka idlaynin
Oonu gaasa-bixin lalama tago golaha waawayne.


Geeloo irmaanoo nirgaha, edegga loo gooyey
Gabno waxay is mooddaa inay, geel u badisaaye
Gaajada nirgaha kama baxshaan, geel-candhooluhuye
Kanse waa gufaacada baddiyo, gacanki waalnaaye
Soomaali baan ugu guddiyey, gacal walaaleeye
Adna reero uur wada galaad, kala guraysaaye
Sidii Jaahil guunyada jiriyo, gaban yaroo dhoorle
Gugaaga iyo waa kala fogyiin, garashadaadiiye
Gudcurbaad gudaysaa iftiin, kuuma soo geline
Guufbaa madaxa kuu saaran, iyo geedka naagaha'e
Guurtida Xildiid iyo Cismaan, gobo'da Caynaanshe
Gebi sare haddii anay ahayn, geel ma dhaqateene
Gaawaha karuur kuma shubteen, labada gooroode
Gaaniyo irmaannada xeryaa, galay ma foofeene
Waa gaadh senteri kaa ahoo guudka kaa jira'e

Ayaa gaanka Habaryoonisoo, galabta kuu baahan
Nin guddoon xun beeshuu wadaa geeri waw halise


Gabaygan inta yar aan ka helnay isla Yawle ayuu tiriyey. Yawle aabihiis Aadan Caws wuxuu ku baxay Xirsi Cismaan colaadihii Xaaraama-cune.

Arbiciin gu'baa aabbahaa, iil ku hoos jiraye
Ninse itaal yaraadiyo gunbaa, uurkutaallo lehe
Marse haddaad Allaa kuu gartee, aarsan kari weydey
Anshax maaha waagii beryaba inad u "ooydaaye"


Eraygaa danbe ee "u oydaaye" ma hubno ee soo sax, gabaygana soo dhammee.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com