Qoraal (Written)

  Gujadaan ku ridi

  Kala ilwaad roon

  Ma is raaci karaan

  Riikaha Maroodiga

 
     
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Faarax Shuuriye

 

 
 

  Habar Gidir, Cayr

  Kala ilwaad roon

  Gabaygan aan dhammayn ee uu tirshey abwaankii weynaa ee Faarax Shuuriye (IHUN) nama soo gaadhin ujeeddada uu u tirshey, laakiin sida beydadkaan ka muuqata wuxuu si farshaxannimo ku jirto isugu barbar dhigayaa dhawr shay.
 

Aasaaska nimankii lahaa, ururka Soomaali
Iyo aadanii ka aqbalee, amarka nooleeyey
Ee Uniyo oogada Cadmeed, olol sidii kaahshey
Iyo Ferenji oorada ku taal kala ilwaad roone!

Abwaankii fagaaraha hadlee, eray gobaadeed leh
Ee lagu aflaxay xaajaduu, idhamaduu joojey
Iyo doqonta oofaha la gubay kala ilwaad roone!

Asli midabkileey, ooridii, qurux u aabaysan
Ee oogga Waaberi sidii, olol u kaahaysa
Ee reerka loo aamminee, amarka loo dhiibey
Iyo eraya-aafiislewada kala ilwaad roone!

Abeer geela, Ayrada dhashiyo, ololka reemaysa
Ee laba ku aaddiyo ilmaha, ubadka loo reebay
Iyoo Jaafa laga oomman yahay kala ilwaad roone!

Meeshii la wada aadayiyo, aqalka hooseeya
Iilkii nin tegayoo Jannada, udugta loo geeyey
Iyo Ololka Naareed nin galaya kala ilwaad roone!

Ooglaha Gammaan iyo Darmaan samada aadaysa

Fadlan soo dhamee

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com