Qoraal (Written)

  Gujadaan ku ridi

  Kala ilwaad roon

  Ma is raaci karaan

  Riikaha Maroodiga

 
     
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Faarax Shuuriye

 

 
 

  Habar Gidir, Cayr

  Ma is raaci karaan

 

Geeraarkan qiimaha leh waxa tirshey abwaan Faarax Shuuriye oo calanka u siday suugaanta Soomaalida siiba tan gobollada dhexe illaa Bari;

Nin Salaadda rumeeyoo
Ruknigeeda yaqaanoo
Rukuucda iyo Sujuudda
Rabbigay ula jeediyo
Kub-caddaaga riddoobey
Ma is raaci karaan?

Nin masaajid ku raagoo
Cilmi raatib yaqaanoo
Wardigiisa ridaayiyo
Rufiyaano dulloobay
Ma is raaci karaan?

Rammadaan ninka soomoo
Soddonkii iska reeboo
Maalintii rudhmo diidiyo
Nin makhaayadda ruugoo
Hadba rooti ka qaadan
Ma is raaci karaan?

Nin baabuur rakadiisa
Ragaadkii ka fariistoo
Beledkii ula roorin
Iyo nin lugtiisa ku raadshay
Ma is raaci karaan?

Senge raaxo wanaagsan
Nin rakaabki ku joogoo
Marna ruugga ka qaadin
Marna soo ritiqlaynin
Iyo nin Dameer la ruquusay
Ma is raaci karaan?

Nin ragoo ra'yi weynoo
R
ijaal Eebbe ka yeeliyo
Garaadkaan lagu raayoo
Ruux kastaaba amaaniyo

Ragrifkaan rag aqoon
Ma is raaci karaan?

Rati weyn nin raraayoo
Rarkiisii u dhammeeyoo
Guradiisa raseey
Hadduu riiro cabbaarta
Raamsiguu dejinaayo
Rakamtiisa dheystiyo
Ninka Layli rabboosh ah
Labadoo rubuc saaroo
Hadba meel ku ridaayo
Ma is raaci karaan?

Jiilaal meelu ku raagoo
Cirka roob laga waayey
Ninkay Raaxad u foofi
Oo ramad looga lisaayiyo
Nin adduun ri' ka haysta
Ma is raaci karaan?

Ninka raaxo wanaagsan
Reerkiisii Rabbi geeyoo
Rogrogeyso wanaaggoo
Weligeeda rilleeysay
Iyo ruux Alla doorshay
Ninka raalliyo moodoo
Guuni meel ku rifeeyso
Ma is raaci karaan?
 

Anigoo ra'da maansiyo
Gabay soo rid ridaayoo
Reyfalka iiyo rasaasta
Inta riishad uliifay
Rigrigtiisa uyeershoo
Rugta aan ula jeedo
Reedna aan uga leexin
Ee ka riimay fagaariyo
Ruug waxaan ka macayn
Rag hortiis nin lataagan
Isma raaci karaane
Alloow yaa kalareeba.

 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com