Q O R A A L

  Gujadaan ku ridi

  Kala ilwaad roon

  Ma is raaci karaan

  Riikaha Maroodiga

 

 Faarax Shuuriye

Habar Gidir - Ceyr Riikaha Maroodiga

Somali Poetry


Abwaan Faarax Shuuriye oo gabyaa weeyn ahaa ayaa waxuu maqlay rag yaryar oo cidda dhex deeda gabay katiriyey . Faarax waxuu tiriyey gabayga soo socda isagoo aan cidna magacaabin awoodiisa gabayna ku dhaaranaya wuxuuna yiri

Ra'da gabay rijaaleey beryahaan, run uma qaadeyne
Waatii aan reeboo ka tegey, rodolladiisiiye
Rakaabbada haddii aan u xiro, sida gammaan roori
Rigta waxan u yeersiinayaa, sida rasaaseede.

Sida Ruushiyoo dirirray baa, riinka loo maqalle
Riikaha maroodiga u weeyn, reeydabkuu jabiyey
Waxey raxantu uga leexataa, ineeysan riixeeyne
Reedaha saraa laga maraa, lebi ruktuu yaale.

Reemaha libaaxuba hadduu raq iyo dhiig heeysto
Ruuxiisa mooyee waxkale kama rudaan meele
Nin cilmiga kuraagee bartaa xaqa haduu raadsho
Rayi gaabtu waa uga hartaa rubac yaleeydaahe.

Anigana ra'daan dhigo haddii rag isku maan geeysto
Leygamana riiriijin karo, waana raar culuse
Nin kaan gabayga ii reebinnaa, wow ra'yi la'aane
Meeshaan ku riixuu oggaan ,sida ragaad kiiye.


 

______________________________

Waxa ku deeqay: Cali Mursal Faarax

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com