Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 11aad
 

Wiilkii dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn ayaa waxa loo qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u qaban-maayo oo nin baa qaba’e, laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan dhaartiisii cidna uga sanqadhin ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya ayey lacag siiyeen , sibraarna waxay ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna waa la siiyey, sidaas ayey wiilkii ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii markii uu meel dhexe marayey ayuu soo noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa soo taagay. Markaas ayaa la is waydaarsaday "Waar reerkow iyo yeedhnay iyo i waraabiya", ka dibna ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi "Naa ninka xiligan harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa", ka dibna gabadhii Maydhan ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan, laakiin dhiibistii ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray gabadhii Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku ritay cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la galbadday.

Markii qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday gurigii uu gabadha ka qaatay ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac uga degay ayuu Maydhan sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka heshay, waxaana lagu heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana ay dadka u sheegaan, ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen, waxaana loo dhisay aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku ahaa inay islaamuhu gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la kala gooyo maro cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku dhaawacnayn. Wiilkii habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen ayuu bahal bilaawe ah bawdadiisa ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd hoos dhigay dhiigii bawdadiisa ka soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay arkeen ayey mash-xarad ku dhufteen, iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii ugubka ahayd kala goostay, waxayna islaamihii ku heeseen heestii afgarashada ahayd marka ay sidaas oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi "Qaraxdayeey ninka maxaa lagu qaboojiyaa", laakiin sidoo kale ninku marka uu hawshiisa gudan kari waayo waxa loogu heesi jiray "Ribatayeey meesha miyaan rag helineey".

Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase yeeshee fiidkii ayey reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la yidhi "Tolow Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey doontay". Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay ayaa yidhi "Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay". Ninkii Maydhan qabay waa waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo la waydiiyo uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu reerku guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga ahayd ee reeraha joogtay yidhaahdaan "Waanu duulaynaa", laakiin odayaashii ayaa yidhi "Horta aynu dirno konton nin oo ergo ah oo codkar iyo culimoba leh", dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana Duullane reerahoodii ayaa loo tegay oo lagu yidhi "Gabadhaas Maydhan waa xaaskayagii, iyada ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo"...

Gar dad-ban: Qoladii ergada ahayd markii ay yidhaahdeen gabadhaasi waa xaaskayagii ee hala nala siiyo ayey odayaashii  waxay waydiiyeen Duulane iyo Maydhan arinta la sheegayo, laakiin waxay sheegeen inay isla soo tageen, ka dibna odayaashii Duullane xagiisa ka soo jeeday ayaa ergadii ku yidhi "Waad aragtaanoo garaw ma hayno, annaguna waxba ma ogin, idinkuna markhaati ma wadataan, sidaa awgeed noo dhaarta", ka dibna waxay yidhaahdeen "Waanu idiin dhaaranaynaa", intaa ka dibna waxa qoladii ergada ahayd laga shubay saddex walle, bille. Dabadeedna markii ay dhaartii dhacday ayey odayaashii Duullane yidhaahdeen "Arintii inagu caddaatay, nimankan reer hebel ee inoo yimina fan-dadab iyo xilo kala qaadis xeer uma lihin, innaguna hadda curin mayno oo taa xeer ka dhigi mayno, sidaa darteed Duullane ha soo celiyo Maydhan", laakiin Duullane waxa uu taa kaga jawaabay tix gabay ah, isaga oo yidhi:

Col hay dilo, cadaabtii an tago, caanana an-waayo,
Cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan."


Duullane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen, iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan. Laakiin rag labada qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi "Waar arrinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba 50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50 halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax oo cidna ma qadisee.

Marka aynu intaa kaga gudubno tusaalayaashii noocyada garaha, isla markaana gogol-xaadh u ahaa garta cadaawe oo u qaybsanta laba nooc oo kala ah:

Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa wax ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan. Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa. Tusaale ahaan waxa la yidhi nin Yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii Daalib. Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin", laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa", Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco. Laakiin inta aynaan u gelin aynu ugu horayn macnayno halka asal ahaan laga soo dheegtay ama laga soo xigtay saddexda erey ee kala ah: Gar, Xeer iyo Beegti.
Gar: Gar waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo.

Xeer: Xeerna waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.

Beegti: ereyga beegtina waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh. Laakiin sida ay mihnad kasta ama uu mawduuc kastaa u leeyahay luqad ama weedho u gaar ah ayey gartuna u leedahay weedho u gaar ah (Terminology), sidaa darteed inta aynaan gelin tafaasiisha garaha waxaynu marka hore baranaynaa erey bixinta garaha. Si aad u fahamtaa midhaha iyo macnaha garaha...

 
 
 
 
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com