D u r - D u r

   B u l s h o

 

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)



Tixdan oo soo baxday bilawgii bisha May,2007 waxa tiriyey abwaanka caanka ah ee "Hadraawi". Hadraawi wuxuu gabaygan ka tirshey madal loo agaasimay dadka la haybsooco ee Soomaalida. Eebbe ayaa Quraankiisa Kariimka ah innoogu caddeeyey in qofka agtiisa gobta ka ahi yahay kan camalkiisu suubbanaado cabsida Rabbina ku dheer tahay. Waxay ila tahay ruux Eebbe u hogaansami waayey oo quudhsi dan mooday inaan gabaygan Ina Walanwal waxba deeqsiin karayn laakiin kolleyba isaga xilkii saarnaa waa ka dhacay mar haddii garaadka Eebbe siiyey uu ku iftiimiyey dulmigan waayo soo jireenka ah ee qabiixa ah. Waa gabay dheer oo ruuxba inta Alle kaga anfaco uu ka qaadan karo.

 


Axmedow nin dheeraad sitoo, dhiibsan baad tahaye
Tukalaad u dhaaftaa kolkaad, dhaliso tii roone
Dhalintii caleemaha lahayd waygu dheertahaye
Haddaan Beegsi kala soo dhexbaxay, tooda meel dhigaye
Labadii dhallaannimo lahayd, ways dhar urisaaye
Berberaawi dhuub iyo ka dhuub, waysu dhurannaaye
Ilhaaneey dhiggaagiyo hablaha, dhuude falanqeeye
Hadduu dhaguxu kala hayb tirsado, dheemman baad tahaye

Suugaantu waa dhaqan haddana, waa sud iyo dhiibe
Dhidib iyo lud bay leedihiyo, dhaabad iyo meele
Dhuuxuu ka eegaa ninkii, dhilan yaqaannaaye
Qofba waa dhankuu ka arko iyo, meesha uu dhigo'e
Dadka dhiiri iyo qawl sanbaa, lagu dhacsiiyaaye
Sida loo dhahaabu khalqigu, ugu dhegtaagaaye
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo, dhuumatiyo shiile
Sida dhuuni qaataha murtida, looma dheehtiro'e
Dhiidhiga nin laasimay hadduu, dheegto waa halise
Dheeldheelligaa laga jiraa, waa la dherershaa'e
Dhexrooriyo waxa lagu hojaa, weliba dhaad dhaade
Dhoomaha waxaa laga xushaa teeda dhumucweyne
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, siidhehbaa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan raba,a dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhebaandhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhanne.

Gabaygani dhambaal buu sidaa, waayo soo dhaxaye
Dhulgariirna waa kii la baxay, dhalashadiisiiye
Dhawdhawda Qaadkiyo ka culus, dhaan wadaa yidhiye
Kana dheer is yeelyeelka iyo, iidheh iyo faane
Qof dhabcaala mooyee nin kale, waw dhadhamayaaye.

Xaajada halkaasaan dhigoo, dhaabad baw dihine
In la sii dhaqaajay rabtaa, dhaygag badanley'e
Oo loola dhaadhaco halkay, dhuux ka leedahaye
Waxaa lumay dhudhumintii runtiyo, dheelli-tirihiiye
Inta samaha dhuxulayn kartaa, waa dhif iyo kow'e
Dhalool bay isugu biirtay iyo, tii dharjo ahayde
Dhulka wuu ku soo badanayaa, baal ku dhooruhuye
Dhan-xiirradu haddii ay maqlaan, ways dhufanayaane
Sinnaantay dhaliil moodayaan, tii Ilaah dhigaye
Dhinacay ka joogaan sharciga, waa dhis foorara'e
Marka ay dhanaaniga gashiyo, dhiibta kala guurka
Dhiilaha nin buuxshaa ma jiro, dhacarta jiilaale
Dhirin-dhirintu waa shay sanoo, lagu dhabriiraaye
Hal dhabaalahaa awgaayow, tii dhamayd geliye
Hays dhigan nin nooloow hiddadu waysu dhimataaye.

Hadalkaba nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, ways dhebaandhebi'e
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Laan dharab ka toostiyo Hibooy, dhool cas baad tahay
Dhalankaagu waa luulka iyo, dhiraha yaaquude
Malaa roob la dhaca waad taqaan, dhiinka jookha lehe
Dhalankiisa shaygaa gobta ah, waad u dhigantaaye
Dhibic iyo cadceed looshan iyo, dhool gu’baad tahaye
Qurux iyo dheg baad leedihiyo, dhaabad iyo seese
Dherer iyo laf baad leedihiyo, dhaygag iyo yaabe
Dhebi heeg u baxay baad ka tahiyo, dhoobo jiifyada'e
Dhul fog baad ka laacdaa, sidii dheenta laallida'e
Ruuxii ku dhawraa si buu, kuugu dhegayaaye.

Dhabeelnimana way kugu jirtaa dhab iyo misaane
Dhiidhiibsigaagiyo haddana, dhuda wanaaggaaga
Dheehaaga maahee shishaad, dhuux u leedahaye
Dhulka lagama soo qodin dadkee, aadan baa dhalaye
Adiga iyo hablaa dhinaca kale, waysu dhigantaane
Dhud qudhaa ka wadda beeranteen, dhaadashada guude
Dhab-dhab baad ku kala leexateen adiyo joog-dheere
Dhawawalanka waxa kuugu wacan, amase dhoohnaanta
Dhab-darrooyinkoodaa qalbigu, dhaawac dumayaaye
Dhimir bay ku sareen dabool, baali kaa dhigaye
Dhafoor taabadkoodaa qod-qoday, dhabannadaadiiye
Dhaqaaq joogsigaagiyo wejiga, dhaxanta saar-saaran
Dhadhansiga dareenkaa ka culus, buuro soo dhacaye
Intaad adigu dhiilaysan tahay taydu waa dhicis!

Hadalkaba nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, ways dhebaandhebi'e
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Dhaf dhaf iyo hal hays beena baa, soo dhab dhabateene
Dhugatiyo cad xaaraan ah iyo, dhoohan may cunine
Dhamaas lagu takooriyo ma jirin, caado dhaaf kale
Dhab cad iyo ma haysaan daliil, meel la sii dhigaye
Dhaqankaas canbaarayanayaa, saaray dhiillada'e
Labadii hiyiga dheehi jirey, way ka dheertahaye
Weligood dhibaatada adduun, looma soo dhixine
Dhaandhaanno maahee kashaa, dhooli mood tahaye
Intii aad dhisnaydeen iyagu, waa dhur sugayeene
Dhufaannimo hagooglay intaas, kula dhex joogeene
Dharaar uun in waa kale beryey, dhawrayeen abide
Dhegahay intaas la hadlayeen, waa dhab may odhane
Dhibaatadana way eegayeen, dhaayihii jireye
Cishaday dhanaan tahay haddii, laysu dholol fayto
Dhab u dirirka waa lagu yiqiin, dhaanto iyo shiishe
Rag hadduu dhabiiltamo naftay, dhigi yiqiinneene
In kastuu xiniin dhaafyuhuu, dhiirinnimo sheegto
Mar haddaan dhalliil lagu gudbayn, dhalsho mooyaane
Dareenkiisu wuxuu dhaadayaa hoos in loo dhigaye.

Dhar-dhaarray ahaayeen intaa, dheri lahaydeene
Dhaddig iyo labkoodaa ka kale, dhinacyo taagnaaye
Ninka ay dhisaan baan isagu, tooda dhaydhayine
Gudmahay dhabeeyeen ka badan, lag iyo dheeraade
Hadday dhigan lahaayeen mid uun maalba may dhaqane
Dhaxalkiisa may soo xarayn, dhogorta xoolaaye
Weligood dhalaal subag ah iyo, dhaashi may heline
Dhay iyo karuur labada weel, dhoosha may geline
Hadday dhami lahaayeen miduun, dhiilba may tolanne
Dhegahooda maag baa qabsaday shayna may dhimine
Sibaa loo dhaliilaa haddana, ruuxna may dhibine
Dhuyaal iyo kudaal bay damceen, dhiigna may galine
Dhulka waa ka sii guuraayaan, ruuxna may dhicine
Dhoof bay ku daasteen inay, sibiq dhaqaaqaane
Dhalashada inay dooriyaan, bay u dhowdahaye
Dhagar inay galaan bay damceen, dhaarse may marine
Dhaaxaan ogsoonaa halyey dhuuntay keligii.

Hadalkaba nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, ways dhebaandhebi'e
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Godka dhidarka beelaha qotow, dhowr kal baa hadhaye
Hadduu dhiillo leeyahay dulmigu, waad ka dheregteene
Intaad weel manno ah dhaamiseen, waa dheg weyntahaye
Ulihii dharkaynkiyo cayada, waydinkii dhilaye
Dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede.
Nin xaqiina meel hoos dhigay, tiisu waa dhedo'e
Xumaantana wanaag baa dhaxlee, way-da haw dhimane
Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye
Kol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye
Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye
Sida Dhooddi-meerkii taleex, haw dhaqaaqina
Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura’e,
Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo
Dhanka Eebbahay xiga adduun, wayska dhalanteede.

Hadalkaba nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, ways dhebaandhebi'e
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Dhab dhabluhu markuu yimi arlada, may dhammayn talo'e
Waatay dhufaannadu khalqiga, soo dhex geliyeene
Waa kii dhammaastiyo falkiyo, keenay dhallanteede
Waa kii dhibaabada la yimi, dheegga dheegahae
Waa kii dhufaysyada qotee, dhoombir soo rogaye
Maantay dhankaas iyo dhankaas, baahday dhiilladu
Markay dhabaqday waa kii shacbigu, soo dhalaashadaye
Waataad dhadhaabtiyo budkiyo, dhagaxa boobteene
Gobannimada waa tii dhagdhago, dhaanto loo tumaye
Dharaartaana waad wada jirteen, dhiiftu kululayde
Waa loo dhammaa maalmihii, laysu dhaarsadaye
Hayeeshee ma sii dhugan caqligu, teeda dhinac tiille
Dhiilladu halkay weeran tahay, looma faal-dhigine
Waa tii la dhaawacay markay dhalatay guushiiye.
Weligeed dhan baa qaawanaa, dhidibadeediiye
Xaajadu intay dhowdahay, dhaymo leedahaye
Shinkeedii markay dhaaftay bay keentay dhabandheebe
Dhab-darro uma toosine nabsigu, wuu dharaarsadaye
Dhacan baa la saaraa halkuu, eel ka dhowdahaye
Markaasay dhurwaagiyo colkiyo dhawrta celisaaye
Nin dhug lihiba wuu garanayaa, suul dhabaalahae
Dhabbadaad u xaadheen ninkii, soo dhus layn jiraye
Dhextaalkeeda goortuu hubsaday, soo dhabacateeye
Dhalliilaha markuu sahansaduu, meel ka soo dhacaye
Dhawaaq toosiyow baxay lugtii, dhaaftay jeeniga
Waa kaas dhaqaaliyo hub iyo, dhoof u soo helaye
Dhuxul hoos ka nool iyo dabbaa soo dhabiib kiciye
Dhacadiidka xaajada gashiyo, dhabano hayskeeda
Markii aan dhab deyey baan is idhi, dhacanta sii saare
Af dhabaan-dhabkeedii haddana, waan ku dhiiradaye
Dhanbaalkii digniintaan is idhi, caawa yuu dhixine
Dheehada Rashiidow mar baan, neefka loo dhigine
Magaceeda oo laba kordhaban yey dhewelantaaye
Marka dhiilka lala hoos galay meelo dhugtaaye.

Ummadyahay dhabbaa loo hadlaa, waa is dhigateene
Dulmigii lafaa dhuuxaybaad, dib-u-dhar-dhaarteene
Ummad baad xaqeedii dhammaa, dhababka saarteene
Gunaadkii naftii weli ma dhigin, waase dhiig baxaye
Garaadkiinu waa dhaafsan yahay, dhiilka buuxsamaye
Maantana waxaa idin dhex taal, tii dib loo dhigaye
Caaway u dhowdahay haddaa dhugasho siisaane.

Hadalkaba nin yidhi wa dhigaa siidhehbaa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, ways dhebaandhebi'e
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.

Dhillowyahaynku waa geed ka baxa, dhuunta geed kale’e
Iminkuu dhabbada soo hayaa, dhaankii reer Yurube
Nin kaastoo is dhoob-dhoobi jiray, dhigaha loo laabye
Dheweraad hadday kala lahayd, laysu soo dhuraye
Markii dhuuni loo rogay arlada, dhoorku wada daalye
Dhalliinyaradu way dayriyeen, dhalashadoodiiye
Waa taa ninkii dhowrsanaa, qaad ku soo dhacaye
Waa taa dhabeeshii hiddaha, dhaylo loo dubaye
Dhuuq-dhuuqlayaashii batiyo, heen dhalaashuhu
Dheribay ku wada foortaa, diidan dhaqankiiye
Dhaddigiyo labkeedii waqtigu, dhaal isugu keenye
Ummaddii dhiraa kala lahayd, ways dhex huruddaaye
Dhegdheggiyo lafaa dhuubtay iyo, dhogor xumaantooda
Qaraamaad markay wada dhantaa, dheehu doorasamaye
Hadday dhoojo wada yeelatiyo, dhiico iyo tuure
Haddii dhawrasaan lagu yiqiin dhimay hankeedii.

Dhibaatada xilkeedii horaa, ugu dhabcaasheene
Maantana sidii dhagax dixeed, hawgu sii dhegine
Inta shay la dhawrtiyo haddaan, diinta kugu dhaarsho
Inta gabay dhaf leeyahay haddaan, kaaga dhira fuulo
Haddaan dhaho, haddaan dhigo, haddaan weliba dhiibdhiibo
Anigoon wax kuu dhimin haddaan, dhegaha kuu buuxsho
Dhaq-dhaqaaq ma kaa iman karaa dhiillo lagu baajiyo.
Dhabtuun baa khalqigu diidayaa, meesha dheer tegaye
Dhulgariirka waa laga baqaa, waayo soo dhaxaye
La dhex joogi mayoo arlada, dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal, dhiilka aakhiro
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com