Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xuseen Maxamed Mire (Galaal

Habar Jeclo Taariikh Suugaameed

Somali Poetry


Halkan ku qor gabayga Xuseen Maxamed Mire, wuxuu ku dhashay miyiga magaalada Qoryaale 1930, wuxuu ku barbaaray qoyskooda oo deganaa miyiga.

1953kii ayuu u tacabiray waddanka Yemen, gaar ahaan magaalada Cadan, markuu muddo ka shaqaynayey magaalada Cadan, ayuu uga sii gudbay waddanka Cummaan, gaar ahaan magaalada Salaala. 1957kii ayuu dib ugu soo noqday Dalka Somaliland.

1961kii ayuu mar labaad Dalka uga tacabiray Debbedda, wuxuuna u dhoofay Dalka Ingiriiska, islamarkiiba wuxuu ka bilaabay shaqo. Shaqadaas oo ahayd Badmareenimo (Seaman). Shaqadaas oo uu hayey ilaa uu ka gaadhay hawl-gab.

GANACSIGA:
Rabbi naxariistii Janno haka waraabiyee markuu ka fadhiistay shaqadii Badmareenimada wuxuu u baydhay dhinaca ganacsiga, wuxuu bilaabay Xawalaadda ama sarifka lacagaha. 1988kii markaa dagaalka qadhaadhi dhex maray Dawladdii Siyaad Barre iyo dhaqdhaqaaqii SNM, shacabkii ku noolaa woqooyiga Soomaaliyana si xun loo gumaaday, lana gadoomiyey, wuxuu ka mid ahaa Raggii Rabbi u soo diray ee tuulo kasta geyn jiray lacagaha iyo caawimooyinka loo soo gudbinayey Dadkii dhaawaca, qaxootiga iyo dhibaatadu ku habsatay ee dunida laga gadoomiyey.


WAXYAABAHA UU CAANKA KU AHAA:
waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa:
1.
Deeqsinimo: Wuxuu ahaa, nin aad u deeqsiya caawiyana Bulshada jilicsan, gaar ahaan qaraabada iyo meelaha aad u muhiimka u ah, sida Mulcaamadaha, masaajidada, Cusbataalada iyo goobaha adeegga guud ee bulshada.

2.
Samatalisnimo: Xuseen Waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid ah, markay timaaddo dhibaato ka dhex dhacda Bulshada had iyo jeer wuxuu iska taagi jiray dhinaca maslaxadda iyo samatalisnimada, tusaale ahaan haddii dadku is dilaan oo geeri iyo mushkilado dhacaan, dadku wuxuu kula talin jiray samir iyo dulqaad yeeshaan, waxaan xasuustaa, isagoo ka hadlaya goob lagaga tashanayey nin la dilay iyo sidii laga yeeli lahaa cidda geysatay dilka.

wuxuu ku tiraabay Xaaji Xuseen, qofku xaqbuu u leeyahay inla loo dilo qofkii uu dilay, laakiin waxa ka wacan inuu samro oo Rabigii naftan markii hore abuuray abaal kaga doono. Markaa Xuseen waxa lagu xasuustaa saamatalisnimo iyo inuu wax kasta iska taago dhinaca wanaagsan.
3.
Suugaanta: Xaaji Xuseen waxyaabaha lagu Xasuusto waxa ka mid ah, wuxuu ahaa nin gabyaa ah, gabayadiisu waxay u badnaayeen, gabayo isugu jira Tusaalayn iyo kaftan oo aan lahayn turxaan.
Kuwa kaftanka haddaan mid ka soo qaato, Beri isagoo ka yimi Dalka Ingiriiska, ayuu Dalka Somaliland yimi, waqtigaasi waxay ahayd goor waddanku yar kulul yahay, Xuseenna waxa lagu yiqiin Deeqsinimo, markay maqleen reer-miyigii waxa soo degey Xuseen Maxamed, waqtiguna adag yahay bay u soo sahay iyo safar doonteen, Xuseenna wixii uu hayey waa is dhaafiyey oo u dhiibay dadkii soo martiyey, markii Xuseen lacagtii uu la soo degey ka dhammaatay baa qolyo reer miyi ah oo marti cusub ah u yimaadeen. Kadibna tix gaaban oo uu ugu cabanayo Reeraha iska soo daba dhacayey buu tiriyey wuxuuna yidhi:

MAGACA GABAYGA: RARAN CADAABEED

REER MIYIYOW WAXAAD TIHIIN RARAN CADAABEEDE
ROOBKIYO JANNAALUHUBA WAA IDINKU RIIQDEENE
RAYIGIINNA MOOYEE MID KALE UMA RIYAAQDAANE
RUUX QUDHI MA KAAFIYO CABDAW RIIJAN KELIGIIYE
WAXAAN RAASA-MAAL SIDAY HADDAAN RUBUC KA NOOLAYNE
RODOLKAYGA II QARI HADDAY RAACDADII TIMIYE.

SHARAXAAD:
1.JANAALAHA BERIGAA WAXA LOO YIQIINAY RAGGA KA SOO XOOGSADA DEBEDDA
2. NINKA UU KU HAL QABSANAYAANA SIDAAN MAQLAY WAA CABDI SALEBAN CIGAAL OO AY GABAY WADAAG LAHAAYEEN, ISAGANA RABBI HAW NAXARIISTO.


TIX KALE OO AH HOGA TUSAALAYN OO UU KULA HADLAYEY RAGGA QURBAHA U TACABIRAY, KUNA GUUBAABINAYEY INAY KA SHAQAYSTAAN DALKA UK, LOOFARNIMADA IYO DHAQAN XUMADANA KAGA DIGAYEY WAXAAN KA HAYAA INTAN HOOS KU QORAN:


GARAAD NIMAN LAHAYN BUU LA YAHAY, GINIGU DHEELDHEELE
GOOSHOORI MAAYEE NAFTAAN GEED KU XIDHAYAAYE
RAGGA ILA GUDBOON BAAN ANIGU GAADH IS LEEYAHAYE
GAADHI-GAADHI SAAR BAAN WAQTIGU GAABO KAA HELINE
GURIGAAN KA IMI YAANAD OGAYN GUBASHADIISIIYE
GIFMII JAANIS WAA TAAN KU IDHI GOOR HOREETABA,E
GEES IIGA BAYDH YAAN HALGOOL GAABAN KUU NICINE



Dadkii uu ka tegey Xuseen Maxamed Mire

1. Ahmed Husen Mohamed mire
2. Shamis Husen Mohamed mire
3. Fadumo Hussen mohamed mire
4. Cudbi Hussen mohamed mire
5. Mohamed hussen mohamed mire
6. khadar hussen mohamed mire
7. Aden hussen mohamed mire
8. Xamda Hussen mohamed mire
9. Amina Hussen mohamed mire
10. Yusuf xussen mohamed mire
11. Muna husen mohamed mire
12. Sahra xussen mohamed mire
13. Nefisa xussen mohamed mire
14. Hibaaq xusesn mohamed mire


_____________

By:Ahmed Hassan Jama Abokor

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com