Q O R A A L

 

  Power

  Libinta Geeraar

  Xubin gobeed

  Ammaan geel

  Laandheere

  Adyad waxa leh

  Rag cadaalad..

  Aaraarta gabay

 

 

 

 

 

 

FAARAX LAANJEER

HJ - Reer Raage Tixo qabyo ah

Somali Poetry

Faarax laanjeer oo  magiciisa oo buuxa la odhan jirey Faarax Jaamac Aadan ayaanu helnay arartan ka midka ahayd gabay naga maqan oo uu ku sifaynayo Jabaabiirtii gabayga ee ay isku xilliga ahaayeen oo uu u horreeyo Cismaan Aadan Dibi (Guniyo-baar-eeg);

Aaraarta gabay Xiireybaa[1], ugu af dheeraaye
Ismaaciil xaleef
[2] bay amniga, ugu idlaataaye
Ina aadan dibi
[3] baa lafaha, aad u sii gura'e
Ana alif shed kiisiyo tixaha urursan lay daaye.

 

Faarax laanjeer oo Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyoe aad u jeclaa Geela oo badanaa gabayadiisu geela u badan yihiin ayanu afartan beyd ka helnay gabay ka mid ah tixihii uu Geela u tirshey.

Dhudi qaaday geelu waa waxaan, Dhuuddimow tegeye
Waa waxaan Dhilaalliyo u maray, Dhoodi iyo hawde
Waa waxa dhafoorkiyo I goday, dhabarka feedhaaye
Nin u dhidida mooyee caruur dhaxashay waa mooge

 

______________

[1] Dubbad Xiirey waa abwaan ay isu gabyi jireen Faarax Laanjeer

[2] Ismaaciil Xalleef wuxuu ahaa gabyaa weyn xijaaabtay dhammaadkii qarnigii hore

[3] Cismaan Aadan Dibi: Waa abwaankii lahaa “Daarood siduu beri ahaa loo dad qalatowye” markuu Cali Dhuuxii Dhulbahante u gabyayey.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com