Qoraal (Written)

  Inaabtaay

  & Ina Jenicadde

  & Qaatul Cali

  Dudmada iska daa

  W a l l e e

 
     
     

 
 
     
     
 

  Maxamuud Qaloonbi

 

 
 

  Habar Jeclo - Bah Majeelo

  Dudmo

  Gabaygani wuxuu abwaanku tirshey qiyaastii 1953 kii waqtigaas oo ay colaad sokeeye ka taagnayd beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Togdheer. Maalintii Maxamuud Cali Fadal iyo ragga badan laga laayey beesha Habar Jeclo ayuu gabaygan ugu caqli celinayaa.

Markay dayrtu daantaa sariyo, Doollo ka hagaagtay
Doonbiraale iyo hawd markii, dooggu ka hillaacay
Degmo aan badnayn iyo rag yari, naga dabayl raacye
Dakanadeeda Habar Yoonistii, waayo daba joogtay

Dilkii Gumarre aar doonistii, loo diyaar noqoye
Markayse dirirtu reer Daahiriyo, duul galbeed noqotay
Dabra celiska waa wada ogayn inay, diiqo geliyeene
Raggii wadane laga doonay iyo, gaadhigaa dilay’e.

Ninse walaalkiis daab lala dhacoo, diidi kari waayey
Dumaashiisa naagahana waa, laga dibboodshaaye
Axmed Faarax doorkii ku jirey, waa la daawadaye.

Diintaan ku dhaartaye hadday, duuddayadu joogto
Amay Solamadawdii dirnayd , dab iyo hiil keento
Qoluunbaa dalkuu hadhi lahayd, labada daamoode
Intuu dunida degel Habar Jeclo ah, degel ka qiiqaayo
Duufaanka dhacaybaan inuu, damo la eegayne
Dudmada iska daa Habar Jeclooy waynu daabiqiye.

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com