More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

T U S A A LE
Cabdi Ismaaciil Qase  

Tixdan gabayga ah abwaanku waxa uu tiriyay sanadkii 1996 iyadoo markaa ay jirtay colaad sokeeye oo ka dhex oognayd dawlada Somaliland iyo maleeshiyo ka soo horjeeday, taas oo keentay inay shacbiga u geysteen aafooyin badan oo burburisay midnimadii iyo hantidii bulshada taasoo oo keentay in laga qaxo magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Hadaba akhristoow Gabaygu shan arimood ayuu mid walba goonideeda u lafa gurayaa waana sidan hoos ku qoran:
1- Taariikhda ama masiirka ummadu inuu yahay buug lagu laabto marka is af-garrad la'aani timaado ama dhib xal loo waayo taana lagaga gudbi karo.
2- Dedaalka oo ah lagama maarmaan oo ummada nolosheeda iyo horumarkeedu ku xidhan yahay,
3- Wakhtiga markaa aynu ku jirnay oo innagu adkaa, oo aad moodaysay in maaliniba maalinta ay ka dambaysay ay nabbadu ka sii Ididiilo xumaaanaysay iyo dhibaatooyinkaas cida sababteeda lahayd.
4- Midnimadii bulshada oo burburtay oo ay weliba u dheerayd dhibaatooyin kale sida dil, dhac, iyo qax.
5- Dhibaatooyinka ina haysta oo ay sababaheeda ay ka mid tahay Diinta Islaamka oo ku dhaqankeedii laga tegay, oo loo baydhay waxyaabo khurufaad ah sida xabaalaha oo laga soo ducaysto, faalka oo la aamino, suufiyada oo laga barakaysto iyo cadaaladii oo lagu bedelo eexo ama qaraabo-kiil, keenta uurxumo iyo daacad daro.
6- Xoriyadii aynu dawlada imgiriiska ka qaadanay sanadkii Lixdankii oo lagu masaalay "Hal" la magac baxday "Maan-deeq" ayaa gabaygu sifaynayaa in xoriyada ujeedada loo qaatay tahay in Qaranku ku baahi baxo, haday tahay baahi cilmi, aduun, iyo mid nabad gelyoba, waxa kale oo uu sheegayaa in ay hashu caano badnayd laakiin ninkii la yidhi qaranka u maal uu gacmaha gawso ku lahaa, sidaa daraadeedna ay raggii dambe gobonimadi tood ku noqotay oo ay lisi kari waayeen.

Tixda gabay sandoonoow beryahan, waanigaan Tirine
Ma Tibaaxin maansooyinkaad, igu Taqaaneene
Way igu Tallaalnayd Tan iyo, Toban jirkaygiiye
Tiir bay ku leedahay qalbiga, Taagan abidkiiye
Maruun baa la ii Toosiyaa, Taar la ii qorraye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone

Taarriikhdu waa sheeko iyo, Taxane soo yiile
Waa Tudducyo aadmigu dhigtoo, buugga ugu Taale
Turxaan iyo samaan wixii dhacaa, laga Tixraacaaye
Iyadoo Turjuman baa kolkaa, laysu Tebiyaaye
Tagtadiisa goortuu heluu, Taabo-qaad yahaye

Afartaa Tilmaamaye murtida, shaqalka maw Taagay
Talantaali waw marin jiree, Tiir ma qabadsiiyey
Tusaaluhu halkii aan rabiyo, Taabay nabarkiiye
Toojaba waxaa loo lisaa, say u gaar Tahaye
Hadii uu Tashigu kaa gedmado, waa la Tu'iyaaye
Tawaawaca murtidu meel fog bay, Taawi leedahaye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone

Tunka wixii la saariyo wixii, Taayir lagu riixo
Tafta wuxu xaytaa nin ragi, Taranso weeyaane
Wuxuu Turunturrooduu kufuu, kor isu Taagaaba
Hadba wuxuu Tallaabada dhuftuu, fadalka Tuuraaba
Tahli waaga fanashada wuxuu, dib u Tarraaraaba
Wuxuu soo Tukubiyabba kolkuu, Taaga sare fuulo
Tubta Toosan goortuu heluu, Tacabka dheefaayee

Afartaa Tilmaamaye murtida, shaqalka maw Taagay
Talantaali waw marin jiree, Tiir ma qabadsiiyey
Tusaaluhu halkii aan rabiyo, Taabay nabarkiiye
Toojaba waxaa loo lisaa, say u gaar Tahaye
Hadii uu Tashigu kaa gedmado, waa la Tu'iyaaye
Tawaawaca murtidu meel fog bay, Taawi leedahaye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone

Cishadii Timaadaa ka daran, Tii Tagtee hore
Togashada indhaha iyo qalbigu, kala Tag weeyaane
Waxa Tacab khasaar nagu dhacee, welina soo Taagan
Tarraq laguma Tuuro halkay, gogoshu kuu Taale
Rag uun baa Tabaalada dhigiyo, Tawstan aan hadhine
Isagaa Tafiir Jaray shacbiga, kii u Tudhi laaye
Iyagaa kala Taftaafoo ka dhigay, Toban quruumoode
Waa ummad kuwii Tarri lahaa, Turuqa gooyeene
Irbad nooma Tolin inamadii, Taashka loo xidhaye
May Talin sidii aan rabniyo, Tuhunki beelaaye
Wax Tabceeya mooyee wanaag, Tiigso may odhane
Wixiin aan Tawalinaynay bay, kala Takooreene
Ha Tabaabulshaysteen intaan, Tiirka lagu Dhaabin

Afartaa Tilmaamaye murtida, shaqalka maw Taagay
Talantaali waw marin jiree, Tiir ma qabadsiiyey
Tusaaluhu halkii aan rabiyo, Taabay nabarkiiye
Toojaba waxaa loo lisaa, say u gaar Tahaye
Hadii uu Tashigu kaa gedmado, waa la Tu'iyaaye
Tawaawaca murtidu meel fog bay, Taawi leedahaye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone

Tafarraaruq waa la arki jiray, Tanise waa yaabe
Tusbax go'ay sidiisii la mood, Tolanti beelaaye
Tiileedi lama mahadin iyo, Taagti lays yidhiye
Tookhiina waa lagu go'ay kolkii, lays Tumaatiyaye
Tiiraanyo joogtiyo colaad, la isku Taamaayo
Naafada Turaabkaa ah iyo, maydka Tira beelay
Dhaawaca Tabaaladu dishee, Dhiigu Tibiqleeyay
Tacsi goor kastaba joogta iyo, weliba TiiqTiiqsi
TiicTiica Murugada Haween, Saygi Laga Toogtay
Dhalaan Tooggo haysiyo duqay, cudur la Taahaysa
Belo Timaha loo feedhay oo, saamo loo Tumayo
Waa waxa na cidhib Tiray xumaan, loo Tartamayaaye
Waa waxa Tafeenada jidhkii, Taagta naga yeelay
Waa waxa Tagoogada lugaha, Tamarti loo waayay

Afartaa Tilmaamaye murtida, shaqalka maw Taagay
Talantaali waw marin jiree, Tiir ma qabadsiiyey
Tusaaluhu halkii aan rabiyo, Taabay nabarkiiye
Toojaba waxaa loo lisaa, say u gaar Tahaye
Hadii uu Tashigu kaa gedmado, waa la Tu'iyaaye
Tawaawaca murtidu meel fog bay, Taawi leedahaye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone

Tiriig weeye diintu iyo halqiga, Taalo loo dhigaye
Waa dariiqa Toogane janada, laga Talaashaaye
Tawxiidki goortuu lumee, Teedki laga baydhay
Xabaalaha kolkii lays Tubee, Toobad laga doonay
Kolkii Toore shaydaan baxshiyo, Tumasho loo leexday
Goortii xaqii laga Tagee, Taawilo la Raacay
Ee cadaaladii lagu Tuntee, lays Tix-gelin waayay
Ummadaan Tubtii Eebbaheed, saani ugu Toosin
Soow inay Tabaalada heshaa, looxa kuma Taalo
Ee waa waxa Tigaadii madhsaday, Tiradi geedaaye
Waa waxa Tarantii iyo gediyay, Tayadi xoolaaye


Afartaa Tilmaamaye murtida, shaqalka maw Taagay
Talantaali waw marin jiree, Tiir ma qabadsiiyey
Tusaaluhu halkii aan rabiyo, Taabay nabarkiiye
Toojaba waxaa loo lisaa, say u gaar Tahaye
Hadii uu Tashigu kaa gedmado, waa la Tu'iyaaye
Tawaawaca murtidu meel fog bay, Taawi leedahaye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone


Waxa Teeyo geel loo dhaqdaa, gaajo yaad Tabane
Tif ka siisay maandeeq dorraad, dhiilki loo Tolaye
Tartarada dugaag baa ka galay, Tulidi qaalmaaaye
Tood waxa ka dhigay waa dhurwaa, Tuujay naasaha'e
Hadaan wiil Tafiyo geesiyaal, Teeri soo ururin
Hadii aan Tis loo jariyo, ooda lagu Tiirin
Waa inuu waraabuhu Turqaa, Tarab u laayaaye

Afartaa Tilmaamaye murtida, shaqalka maw Taagay
Talantaali waw marin jiree, Tiir ma qabadsiiyey
Tusaaluhu halkii aan rabiyo, Taabay nabarkiiye
Toojaba waxaa loo lisaa, say u gaar Tahaye
Hadii uu Tashigu kaa gedmado, waa la Tu'iyaaye
Tawaawaca murtidu meel fog bay, Taawi leedahaye
Aan Tusmeeyo caawana ilaah, Tiisi bay noqone

Taartii qaraabada la baday, Talalka waydooda
Ee dunida Teelkeeda quban, gaaladana Tuuga
Inkastoonan Tawstii dhacdiyo, Tacadigii sheegin
Waxba gabaygu yuu ila Tafine, waxan ku soo Toomshay
Tafantoofka geerida kolkuu, mawdku i Taxaabo
Maalintay Timaadada Tahee, Taymku iga buuxo
Ee ay Tamuuxdaa gashee, ciida lagu Tuullo
sida geel darkii loo Tubay, oo hormo u Taagan
Maalinta aanay Tawkulo jirine, nafi naf Taageerin
Taajir iyo fiqiir maalintay, Taag daradu joogto
Taliyoow Allahayoow aday, Taada noqotaaye
Adigaa wixii aad Tidhaa, Taabo gelayaaye
Ha i Tuurin Eeboow adaa, Tiirsimaad mudane

Waxa ku deeqay: khadar Ahmed Carab

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008 Hoygasuugaanta.com