Q O R A A L

  Dib u xannaaneeya

  Qudhaan gooyey..

  Ninkii Keenayow

 

 

 

 

 

 

 

 

Jimcaale Jaamac Lugeey

Habar Gidir - Sacad  




 

Jimcaale Jaamac Lugay ayaa gabar waa laga soo doonay. Waxaa abwaanka soo gaartay in la doonayo arin dhaqanka soomalida kabaxsan oo ah in aan lasiin geel iyo fardo midna ee yarad ahaan loo siiyo lo' iyo awrta la rarto. Markii gogoshii la isugu yimid intaan hadalka lafurin ayuu gabay afeef ah kufuray fadhigii waana waqtigii talyaanigu haystay cariga somaliya sida aad gabayga ka arki doontaan asagoo faaninaya gabadha loo soo geed fariistay waxayna u dhacday sidatan.

Kurta iyo wadnahay nagu tihiyo, kurus dhexaadkiiye
Teer iyo kismanyaa nafluhu, keena leeyahaye
Awr koorleh iyo karinle geel, nama kafeeyaane
Inkastuu kun yahay giirku, waa shey la kaarahaye.

Kadin geela, koox aaraniyo, koromo goon daaqa
Sange koorihiisii watiyo, qayli kibir diida
Nafteedoo kirliga loo sidoo, kariso looyeelo

Kumanyaalo Liiroo tolkeed, lagu karaameeyo
Intaasoo karkabo lagu daro, oo kun iyo foorleh
Ninkii keenayoow gabadhu, waa kam iyo siirkaase.


Markay xaajo sidaas u dhacday ayaa waxaa loo soo xiray 10 halaad iyo faras kumaankum lacaga oo gabaati loo keenay iyo raali galin.


______________
Waxa ku deeqay: Cabdirahman sheikh Nuur



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com