Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 

 

 

 

 

 

 

 

Saalax Lay diray

HY, Saca yoonis G u h a a n

Somali Poetry

Abwaan Saalax Laydiray (Ma laydiray) wuxuu ka soo jeedaa Gobolka Sanaag wuxuuna noolaa dabayaaqadii qarnigii 19 aad illaa horraantii qarnigii 20 aad. Ragga ay aadka isugu gabyeen waxa ka mid ahaa Maxamed Nuur Fadal oo silsilad gabayo ahi muddo ka dhex socotay gabayganna aannu u filayno inuu isaga u tirshey. Saalax wuxuu ahaa gabayahan gola-ka-fuulka yaqaan oo ninkii u gabya markaa u hal celin jirey. Ragga kale ee u gabyey ama uu u gabyey waxa ka mid ahaa Maxamed Cabdulle Xasan, Salaan Carrabey iyo rag kale. Gabay uu Ina Cabdulle Xasan ka cawday oo Saalax ku guhaamay ayay ku jirtey;

Wiirwiir istaag Ina Carroow, wehel la'aaneede
Waxyi kuuma soo dego dhulkaad, gelisay weesaaqe
Wejigii Rasuulka ha arkine, walam dheh naartiiye
Wax xun bays fartaan iyo khalqiga, weeraroo dhaca'e
Wariitada agoontaad cuntaan, waalidkeed lumay'e

Wacdina qaadan maysaan sidaad mar u wareerteene
Wax xunbaad? gacmaa kula jirtaan, waa beryiyo fiide
Wahaabiga sidiisaad cilmiga, wacan u diiddaane
Wixii Nebiyadii laga wershiyo war uma jeeddaane
Waddada isa-seegoo ka dhaca, wabiyo haadaanta

Wax-aqoon tashiga loo waciyo, waaya odayaale
Wadhma oo walaal iyo ka go'a wiil idiin kaca'e
Oo maalintaad rag is waddaan, wegeredkiin duulye
Baqaha wagac ka siiyoo rogaal, la idin weeteeye
Weydaha is dhaafiyo ka jaba, wiiqa bawdada'e.


Ina Cabdulle Xasan waxa la sheegaa inuu waayadii danbe odhan jirey Inkaarqabihii Saalax waaba nala helay guhaankii.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com