Q O R A A L

 Qardhasa cadde

Naqwi gabay

  G u h a a n

Q u f r a a n

Majeerteen1

Majeerteen2

Maal an lee yahay

Saalax & Sugulle

Saalax & Sugulle

  Allahayoow

 Saalax Maxamed (Saalax-lay-diray)
HY, Sacad Yoonis  

Somali Poetry


Saalax Lay-diray & Majeerteen
Saalax Lay-Diray oo casuumaad ka helay Majeerteen ayaa Cali Sharma'arke oo uu marti u ahaa ka yaabay murtida abwaankan jiifta sidaa darteed ayuu u cid diray ninkii Majeerteen ugu maanso-yahansanaa. Cali ninkaas Abwaanka ah ee Majeerteen oo aannaan magiciisa helin ayuu meel dhowr loo dhaxo uga cid diray Saalaxna wuxuu ugu gooddiyey inuu ninkii Majeerteen u suugaanyahansanaa u cid diray oo uu soo socdo loogana fadhiyo inuu u babac dhigo. Saalax hawraarsan iyo waa sugayaa ninkaas iyo ciddii kale ee idiin hadhayba ayuu hadal uga baxay. Markii Ninkii abwaanka ahaa yimid ayaa gole weyn oo la qurxiyey oo ilyartu is qabatay loogu kala baxay labadii abwaan. Cali Sharmaarke wuxuu ka codsaday inuu Saalax gabayga bilaabo waxaana tixduu ku bilaaabay ka mid ahayd;

Ma dhurgoho'e waan kala dhilaa dhuubka maansada'e
Ma dhuunto'e dharaartoo cad baan dhalasho baanaaye
Abidkayba gole dhaygag leh, baan dhaaxa ka hadlaaye
Ma dhaygagoe? hadalkii la dhaho waw dheg jebiyaaye
Ma dhursugo'e dhiillada horaan kaga lisaa dhiige
Ma dhiifee dhib niman ii lahayn waa iska dhaafaye
Hadba kii dhirrici igu falaan kaga dhafoorshaaye
Ma dhaawoco'e nabar loo dhintaan ula dhugmaystaaye
Dhallinyaro turbaysiyo waxaan dhaafay shuqulkooda
Ama hadal nin meel kala dhacaan sii dhadhamo yeelan
Abidkayba kaa kama dharsoo dhaawadaan idhiye
Meel laba qabiilo is dhacdaan dhaxi ka yeedhaynin
..... dhagaroobe waataan u dhididaaye
Dhacsiinada halkaan uga bartaan dhawrayaa weliye
Caawana wixii soo dhiciyo dhiilladaan sugiye
Dhalanteed an layguma sabee dhool ma ka hillaacay.


Ninkii abwaanka ahaa ee jawaabta laga sugayey wuu kacay oo go'iisiina degta saartay. Cali Sharmaarke oon arrinkaas jeclaysan ayaa weydiiyey abwaanka sababta uu Saalax ugu jawaabi waayey. Ninkii Abwaanka ahaa wuxuu yidhi "Ninkani warkiisa waan hayaa oo waa gabay aabbihiis. Aniga iyo qabiilkaan ka dhashayna kelmed xun ma oran aniguna waxba odhan maayo"


 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com